Kenya oo adkeysay ammaanka Waqooyi Bari Kenya

Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney feejignaan dheeri ah ay geliyeen Ciidamada ammaanka Waqooyi Bari Kenya ka dib markii Kenya ay ka war heshay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo weerar la damacsan Gobolkaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis iyo Militari ayaa lagu xoojiyay degaanka Elwak-Kotulo iyo wadada dheer ee xiriirisa magaalada Mandheera iyo degaankaasi.

Sarkaalka u hadlay Booliska Mandheera oo lagu magacaabo Daniel Bundotich,ayaa warbaahinta Kenya u sheegay iney doonayaan iney xakameeyaan weerarada kaga yimaada Al-Shabaab ee Gobolka Waqooyi Bari.

“Ciidamo badan ayaan geynay degaano duleedka ka ah degmada Mandheera si looga hortago falal lidi ku ah ammaanka oo ka yimaada Al-Shabaab”. Ayuu yiri Mr Daniel Bundotich.

Dagaalyahano looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa Talaadadii la soo dhaafay dilay Afar sarkaal oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska Kenya oo ku roondeynayay wadada Elwak-Kotulo oo ka tirsan degmada Mandheera.

Ciidamo Booliska iyo Militariga loo diyaariyay ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayay Saraakiisha Ciidamada Booliska Kenya ay sheegeen iney aad u hubeysan yihiin, kuwaas oo u dhameystiran qalabkooda Ciidan.

Dowladda Kenya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay uga jirta sidii ay u soo afjari lahayd Shabaabka ku dhuumaleysanaya Keymaha Boni ee dhulka xeebta Kenya, waxaana Ciidamada Difaaca Kenya oo adeegsanaya diyaaradaha qumaatiga u kaca ay howlgal ka wadaan degaanadaasi.