Real Madrid ayaa ku dhow inay dib u soo iibsato Alvaro Morata, iyadoo bixin doonta qiimaha lagu burburin karo qandaraaskiisa kooxda Juventus.
Kooxda Santiago Bernabeu ayaa diyaar u ah in ay dib uga soo iibsadaan ciyaaryahankaan laba sano kadib Juventus, sida laga soo xigtay Agaasimaha kooxda Talyaaniga Giuseppe Marotta.
Xiddiga reer Spain ayaa dhaliyay toddobo gool oo horyaalka ah xilli ciyaareedkii hore, isagoo u qaaday Juventus Scudetto markii shanaad oo isku xiga, waxaana uu sidookale la qaaday Horyaalkii labaad ee Serie A, tan iyo markii uu ka tagay caasimada Spain.
Si kastaba ha ahaatee, waxay u muuqataa in Morata oo joogay laba sano Turin uu dib ugu laaaban doono kooxiisii hore ee Real Madrid.
“Real Madrid waxa ay inagu wargelisay inay damacsanyihiin Morata in ay dib ula wareegaaan, waxa aan kaliya sugayanaa dalab qoraal ah,” Marotta ayaa la soo xigtay maanta.
“waxaan arki doonaa sida dalabka Real Madrid nagu soo gaaro, laakiin xilligaan la joogo wax suurta gal ah ma ahan in Morata uu sii joogo kooxda Juventus.
“Waxa uu ka tagi doono Turin isagoo ku laaban doona dalka Spain ayuu yiri Agaasimaha kooxda Juventus Giuseppe Marotta.”
Wararka xanta ah ee saxaafadda baahisay ayaa sheegayay in Madrid ay dib ula saxiixan doonto Morata islamarkaana ay dib usoo iibin doonaan.
Labada koox ee Premier League Arsenal iyo Chelsea ayaa ka mid ah kooxo xiiseynaya weeraryahanka heerka caalami ee dalka Spain.


