Brazil oo ku dhawaaqay macalinkooda cusub

Adenor Leonardo Bachi, oo loo yaqaano Tite, waa tababaraha cusub ee xulka qaranka Brazil,waxaana si rasmi ah u xaqiijiyay xiriirka kubada cagta Brazil ee (CBF) ,

Waxaa lagu soo bandhigay shir jaraa’id oo uu hogaaminayay Madaxweynaha xiriirka CBF, Marco Polo Del Nero.

“Waxaan aan siinay booska uu ku noqon karo tababaraha xulka qaranka, sida ugu fiican ayaan kala qeyb qaadan doonaa dib u dhiska xulka iyo shaqadiisa cusub ayuu yiri madaxweynaha CBF,

wa arin wanagsan oo aan ku faraxsanahay waqtigaan casriga ah in aan noqdo tababaraha xulka Brazil, “ayuu yiri Tite ka dib markii loo soo bandhigay maaliyada cusub ee xulka.

Shaqooyinka ugu horeeya ee macalinkaan looga fadhiyo waa in uu ka shaqeeyaa sidii xulka ku gaari lahaaayeen koobka adduunka ee lagu qaban doono dalka Russia.

Tite ayaa magcaabistiisa timid,xili Brazil ay niyad jab ka qaadeen dhacdada Copa America Centenario, inkastoo meel fiican ka marayaan Ololaha isreebreebka koobka adduunka ee 2018.