Jubbaland oo sheegtay in ay dishay 40 Shabaab ah

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa bogaadiyay hawlgaladii saacadahii la soo dhaafay Ciidamada Jubbaland ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

In ka badan 40 Shabaab ka mid ah ayay Ciidamadu ku dileen hawlgalo qorshaysan oo ay ka fuliyeen deganada Beerxaani, Kaamjaroon Araare iyo Jamaame.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in hawlgaladan ay kala dhantaalayaan damacii Shabaab ee ahaa in ay sii wadaan dhibaatada ay Shacabka ku hayaan, sida uu sheegay Axmed Madoobe.

Isagoo hoosta ka xariiqay in ay Ciidamada geesiyada ah sidii loogu tala galay hawlgaladan u fuliyeen isla markana aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dadka ra’yidka ah.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu sheegay in hawlgaladan ay sii socon doonaan islamarkaana meel walba lagu beegsan doono Al-shabaab.