Muqdisho-RisaalaFM– Wararka inaga soo gaaraya caawa degmada Waaberi ee gooblka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa uu dil ka dhacay gudaha degmadaasi.
Dilkan oo si gaar ah uga dhaay Waaxda October ee degmadaasi ayaa waxaa loo geystay Askari ka tirsanaa Millitariga Soonaaliya.
Askarigan la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdi Muxudiin Cabdi, waxaana dilkiisa ka dambeysay Saddex Dhalinyaro ahaa oo Bastoolado ku hubeysnaa.
Askarigan la dilay ayaa horey loo dhaawacay kaasi oo lagu dhuftay Todobo xabadood, waxaana markii caawa la dilayay uu saarnaa Gaariga dadka baahiyaha gaarka qaba lagu riixo.
Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa baaritaano ka wada aagga lagu dilay Marxuum Cabdi, waxaana ay ku daba jiraan raggii ka dambeeyay dilkaasi.



