Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay inay jiraan, Wasiiro, Xildhibaano, iyo Odayaal dhaqan oo juhdi ku bixinaya markii lagu soo eedeeyay shaqsi ay matalaan fal dambiyeedyo uu kamid yahay kufsi si ay u badbaadiyaan.
Hayeeshe uu sheegay in marnaab Jubbaland aysan ogolaan doonin falalka uu kufsiga kamid yahay,sidoo kalena dadka lagu helo aysan aqbali doonin in dad siyaasiyiin ah ay damaanad kusii daayaan.
Waxaa uu u digay Xeer ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan dadka kufsiga geysta, waxaana uu sheegay in Jubbaland aysan dadkaasi ka hari doonin, isla markaana ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Bilihii la soo dhaafay ayaa Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaa ka dhacay falal kufsi iyo dil loo geystay Gabdho aad u yar, waxaana jira dad loo haayo kufsigaas oo Maxkamad sugayaal ah iyo kuwo aan weli gacanta lagu dhigin.