Dhageyso:-Maxaa keenay dib u dhaca ku yimid Magacaabista Guddiga Farsamada doorashooyinka?

Shalay ayay ku ekeed mudada lagu balamay in lagu soo Magacaabo min labada xubnood ee Guddiga Farsamada & Xalinta Khilaafaadka Doorashada 20/21, kaa soo ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada.

Waxaa jira dhowr sababood oo keentay in ilaa iyo hadda aysan jirin Maamul goboleed soo gudbiyay Xubnaha laga doonayo marka laga reebo balan qaadyo ay sameeyeen.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dhinaca Maamulka Jubbaland ay tahay in aan weli wax xal  ah laga gaarin arrinta gobolka Gedo, isla markaana dowladda Soomaaliya ay Ciidamo horleh geysay gobolkaas,waxaana jirtay in RW Rooble uu Maamul goboleedyad akad albaday soo gudbinta Xubnaha ku matalaya Gudiga doorashooyinka.

Hadaba hoos Ka Dhageyso Warbixin ka hadleysa Arrimaha doorashooyinka iyo howlaha kale ee socda.