Shir looga hadlayo Arrimaha fatahaadaha & Abaaraha oo Muqdisho ka socda

Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaraddaha  qorsheynta Qaranka iyo maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa Maalintii labaad ka socda Magaalada muqdisho, waxaana xoogga lagu saarayaa  sidii wax looga qaban lahaa abaaraha, fatahaadaha, ayaxa iyo cudurka covid-19, ayaa waxaa dowladda Soomaaliya ka taageeraya bankiga adduunka.

Mas’uuliyiin ka socday wasaaradda qorsheynta dowlad goboleedka Hirshabeele, Agaasimiha guud, agaasime  waaxeedyada iyo shaqaalaha ayaa goob joog ka ahaa, waxaana shirkaan wadatashiga uu socondoonaa muddo saddex maalmood.

Agaasimaha wasaaradda qorsheynta maamulka Hirshbeele  Cabdulaahi Maxamed Xasan  (Dhagacade) oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay in shirkan dib loogu eegayo dhibaatooyinkii la soo maray oo ay ka mid ahaayeen daadadka, Abaaraha, Ayaxa iyo cudurka covid-19 oo halakeeyay dunida intiisa kale,maamul ahaana diyaar u yahiin hanaanka wax looga qabanayo in ay xoogga saaran.

Cali Xaaji Aadan maareeyaha mashruuca ka soo kabashada xasaradaha Soomaaliya ee wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka soomaaliya  ayaa sheegay in mashrucuan ahmiyadd weyn u leeyahay bulshada nugal ee uu saameeyeen  daadadka, abaaraha iyo ayaxa.