Muqdisho-RisaalaFM- Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JF Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu la qaatay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Devid Concar, ayaa waxaa looga hadlay howlaha Golaha Shacabka iyo kaalinta Dowladda Ingiriiska.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa safiirka uga warbixiyay howlaha Golaha Shacabka oo hadda ay hakad ku jiraan fadhiyada guud ee Golaha, maadaama uu dhowaan xirmay kalfadhiga labaad ee Golaha.
Danjiraha Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa aad u ammaanay howsha golaha shacabka ee Baarlamaanka Dalka, isaggoo sheegay dowladda UK inay mar walba diyaar u tahay taageerida Baarlamaanka Soomaaliya iyo horumarintiisa.
Kulanka ayaa inta uu socday waxa ay isla soo hadal qaadeen waxyaabihii golaha shacabka u soo qabsoomay labadii kalfadhi ee la soo dhaafay iyo qorshayaasha u degsan iyo sidoo kale doorka deeq bixiyaasha caalamka.
Sidoo kale xoojinta xiriirka iyo Horumarinta iskaashiga Baarlamaanada Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa looga hadlay kulanka ay wada qaateen Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS iyo Danjiraha Dowlada Britian u fadhiya Soomaaliya.
Ugu dambeyn Danjire Divid Concar Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dowladiisa ay diyaar u tahay boggaadinta howlaha adag iyo shaqooyinka Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya.



