in kabadan 140 oo lagu dilay Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in dabley hubeysan ay 140 ruux ku dileen meel ku dhow xuduuda dalkaas uu la wadaago Koofurta Sudan, iyadoo afduub 39 caruur .

Wasiirka Warfaafinta Itoobiya Getachew Reda ayaa sheegay in kooxaha weerarka ka dambeeyay ay ka tirsan yihiin maleeshiyada qowmiyada Murle ee dega Koofurta Sudan.

Waxaa uu sheegay in ciidamada ammaanka Itoobiya ay dableysaas ka dileen in ka badan 60 maleeshiyo.

Maleeshiyada ayaa la sheegay inay bartilmaameedsadaan Gobolka Gambela ee ka tirsan dowladda Federaalka Itoobiya, halkaasoo caan ku ahaa khilaafyada u dhaxeeya beelaha iyo dadka Nuer ee uu ka soo jeedo Hogaamiyihii Mucaaradka Koofurta Sudan Reik Machar.

Itoobiya ayaa marti gelineysa kumanaan qaxooti ka soo qaxay dagaalada sokeeye ee ka qarxay Koofurta Sudan sanadkii 2013.