Howlgallo dad lagu soo qab qabtay oo laga sameeyay Gaalkacyo

Gaalkacyo-RisaalaFM- Ciidamada amniga Gobolka Mudug ayaa maalmahan waxa ay wadeen Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga magaalada Gaalkacyo, kadib markii ay aoo kordheen falalka ka baxsan amniga.

Ciidamada ayaa Howlgaladan waxa ay ka sameeyeen dhammaan xaafadaha ay magaalada ay ka kooban tahay, waxayna ku soo qab qabteen dhalinyaro falal Amni daro ka waday magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Mudug Axmed Cismaan Cali ayaa sheegay in Howlgallo oo laba jibaar ah ay Ciidamada ka sameeyeen magaalada Gaalkacyo ayna noqon doonaan kuwo joogto ah.

Waxa uu sheegay in howlgalkan looga gol lahaa xaqiijinta amniga iyo ka hortaga falal Amni daro, si shacabka reer Gaalkacyo ay ugu noolaadaan Nabad iyo Amni buuxa.

Taliyaha ayaa fariin u diray waalidiinta dhashay dhaliyarada Mobilada furata xilliyada habeenkii, wuxuuna sheegay in ay jiraan waalid marka Caruutooda lagu soo qabto fal Amni daro Saldhiga uga daba yimaada iyagoo ku andacoonaya in uusan wax dambi ah galin.