Howlgallo gaar ah oo ka socda Kismaayo

Ciidanka Nabad sugidda Maamulka Jubbaland ayaa Howlgallo gaar ah waxa ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo.

Howlgalkaan ayaa yimid ka dib markii Qarax miino ah Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland lagula eegtay duleedka Magaalada Kismaayo.

Qaraxaan ayaa waxaa la sheegay in uusan ka geysan Khasaare Nafeed.

Saraakiisha Ciidanka Maamulka Jubbaland ee Howlgalladan horkaceya ayaa waxa ay Risaala u sheegeen ujeedka Howlgaldan in ay yihiin  sidii loo sugi lahaa amniga.

Wariyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa Risaala u sheegay in Howlgadaan hada socda lagu soo qab qabtay Dhalinyaro tiradooda ay kor u dhaafeyso 10 Qof, kuwaas oo looga shakisan yahay in ay xiriir lala leeyihiin Al-Shabaab.