Qarax xooggan oo ay ku dhinteen 15 qof

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa ayaa ku qarxay Xaafad ay ku badan yihiin dadka Shiicadda ah oo ku taalla Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Qaraxa ayaa ka dhacay goob caan ah oo Jalaatada lagu iibiyo oo ku taalla degmada Karrada.

Inta la xaqiijiyay 15 qof ayaa ku dhimatay Qaraxaasi , waxaana sidoo kale ku dhaawacmay 25 qof oo u badan dad Shacab ah.

“Qaraxa waxaa uu ka dhacay goob Mashquul badan oo ku taalla bartamaha Magaalada Baqdaad aad ayuu u xooganaa” sidaas waxaa yiri Sarkaal ka tirsan Ciidamada Ciraaq.

Dowladda Ciraaq ayaa ku eedeeysay Mas’uuliyiinta Qaraxaasi Kooxda Daacish.