Hey’adaha ammaanka” Al-Shabaab waxa ay weeraro ka geysan lahaayeen Dekadaha”

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la adkeeyay amaanka Dekadaha muhiimka ah ee dalka si looga fogaado in ururka Al-shabaab ay weerar qorsheysan ka geystaan Dekadaha Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ayaa Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in kooxihii hubeysnaa ee lagu arkay shalayto deegaanka Garacad ay qorsheynayeen weerar lagu qaado qaar kamid ah Dekadaha Soomaaliya markii xogtooda laga war helayna ay dib uga laabteen.

NISA ayaa sheegtay in la qaaday tallaabooyin amni oo dheeraad ah, kuwaas oo looga hortagayo qorshe kasta oo ururka Al-shabaab ku doonayaan in ay weeraro ku fuliyaan.