DHAGEYSO: Wararkii ugu dambeeyay ee deegaanada gobolka Bari

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari ayaa waxa ay shegayaan in kooxo hubeysan ay ku wajahan yihiin deegaano ka tirsan gobolka Bari.

Gudoomiyaha degmada Bandar Beyle ee gobolka Bari Siciid Aadan Cali oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in ay ka war heleen warar sheegaya in kooxo hubeysan ay soo gaareen qeybo ka mid ah degmadaasi gaar ahaan tuulooyinka hoostaga degmadaasi.

 

Kooxdan ayaa la sheegayaa in ay doonyo ku safrayaan oo ay hubeysan yihiin, waxaana la ogeyn ilaa iyo hada cida ay ka tirsan yihiin, iyadoona saraakiisha Puntland ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin ururka Ashabaab.