Hawlgal lagu soo furtay Markab Xamuul ah oo ay Afduubeen Buracd badeed Soomaali ah

Ciidamada  Komaandooska Hindiya ayaa Xoog uga soo Furtay  Burcad-baddeedii afduubka u haystay Markabka Xamuulka ee MV Ruen waxana  Dowladda Bulgaria soo dhaweysay Hawlgalkaasi oo shalay ka dhacay Xeebaha dalka Soomaaliya.
Mariya Gabriel oo ah Ra’isul-wasaaraha xilka ka sii degayso iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Bulgaria ayaa sheegtay inay bed-qabaan guud ahaan Badmaaxiintii la socotay Markabkaasi.
Iyadoo Suxufiyiinta kula hadashay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee caasimadda dalkaasi ee Sofia waxay sheegtay inay Badmaaxiinta caafimaad qabaan, laguna hayo Markab Dagaal oo ay Hindiya leedahay.
Waxay kaloo xustay in 7 ka mid ah Badmaaxiinta la soo badbaadiyey ay yihiin Bulgarian, lana filayo in dib ugu soo laabtaan dalkooda Hooyo.
Markabka Xamuulka MV Ruen waxaa la socday 18 badmaaxiin oo 10 ka mid u kala dhasheen dalal kale.
Markabkaasi waxaa la qafaashay bishii December 14-dii ee sanadkii hore ee 2023-kii, xilli uu marayey Badda Carbeed .