Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland oo is kaashanaya ayaa howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.
Ciidankan ayaa howlgallada ka wada tuulooyinka hoostaga magaalada Kismaayo iyo deegaanka Janaay Cabdale ee gobolkaas.
Howlgalada ayaa la tilmaamay in ciidamada ay kuso qabqabteen dad u badan dhalinyaro oo ay la xariirinayaan iney ka tirsan Al-shabaab ee ka dagaalanta deegaanadaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamadaan iskaashanaya ayaa sheegay in ujeedka howlgalkooda uu yahay ka hortaga weerarada kooxdu ay kasoo abaabusho deegaanada hoostaga Kismaayo iyo Janaay Cabdale.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa ayaa Dhawaan waxa ay socdaal ku tagay deegaano ciidamada Jubland ay ka fuliyeen howlgalo xiriir ahaa dhowr maalmood Halkaas ka socday isalamarkaana Saraakiisha Ciidanka Jubland ay sheegeen in khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Al-shabaab.



