Muqdisho-RisaalaFM- Kooxo hubeysan ayaa caawa magaalada Muqdisho gaar ahaan xaafada Seybiyaano dhanka degmada Hodan waxa ay ku dileen Haweeney ka tirsaneyd Booliska Soomaaliya, sida ay Risaala u sheegeen dad goob joogayaal ah.
Dhalinyaro Bastoolado ku hubeysneyd ayaa Haweeneydan waxa ay ku toogteen Dukaan yar oo ay halkaasi ku laheyd, maadaama maalinkii ay shaqadeeda Booliska gudan jirtay, halka habeenkiina ay Dukaankeeda iibsan jirtay.
Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Kaaha Jaamac, sida ay warbaahinta Risaala u sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka oo goobta tagay.
Mid ka mid ah Gaadiidka deg dega ah ee Ambalaasta ayaa waxa uu halkaasi ka soo qaaday Meydka Marxuumad Kaaho, waxaana loo soo qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da,si baaritaano loogu sameeyo.
Kooxdii dilka geysatay oo aanan la ogeyn ilaa hadda cidda ay ka tirsan yihiin ayaa waxa ay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin Ciidamada Dowladda Federaalka oo hada baaritaano ka wada xaafada Seybiyaano.
Weerarkaan ka dhacay Degmada Hodan ayaa wuxuu qayb ka yahay falalka lidiga ku ah dhanka ammaanka ee Muqdisho ka dhaca.
Dilalka qorsheysan ee ay fuliyaan Kooxaha Bistooladaha wata ayaa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii muddooyinkii dambe ammaanka Magaalada uu ahaa mid hagaagsan.



