Kenya-RisaalaFM- Waxaa guud ahaan dalka Kenya ka socda diyaar garowga loogu jiro Doorashada Madaxtinimo ee dalka Kenya ka dhaceysa maalinta berri oo Taariikhdu ku beegan tahay 26-ka Bishan.
Maxkamada Sare ee dalka ee loo yaqaan Supreme Court ayaa maanta shaacisay in aysan go’aan ka gaari karin sababo la xiriira in ay maqnaayeen qaar ka mid Garsoorka dalka sidaasina ay go’aan kaga gaari weyday dalabkii ka soo yeeray qaar ka mid ah Hay’adaha u dooda Xuquuqda aadanaha dalka oo ahaa in ciligan la qaban karin Doorashada.
Xildhibaankii hore ee Degmada lagdera Mudane Maxamed Muqtar Shidiye oo dhankiisa sheegay in maalinimada berri ah ay dhici doonto Doorasho, waxa uuna sheegay in Dowladda diyaar u tahay wadahal ay la gasho Mucaaradka Bblse aan laga wada hadli karin Xiligan qaabka loo qabanayo Doorashada.
Dhanka kale waxaa la xoojiyay Amniga guud ee Magaalada caasimamada ah ee Nairobi gaar ahaan Degmooyinka ay ku xoogan yihiin Taagerayaasha Mucaaradka.
Ciidamada badan oo Boolis ah ayaa sidoo kale loo daabulay ismaamulada Gobolka Nyanza iyo Galbeedka dalka, iyadoo Wasaarada amniga ay uga digtay cid waliba oo kala Dambeynta jabisa ay Talaabo waafaqsan sharciga ka qaadi doonan.
C/qani Maxamed, Radio Risaala, Kenya



