Qarax caawa ka dhex dhacay Guri ku yaalla Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan inta u dhaxeysa xaafada Buurta Diikow iyo Masjidka Irshaad ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi uu ka dhacay Qarax, kaasi oo si weyn looga maqlay qaar ka tirsan xaafadaha ku yaalla degmada.

Qaraxan ayaa ka dhex dhacay Guri ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaasi oo la sheegay in lagu diyaarinayay, inkastoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan Qaraxan.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay Risaala u sheegeen Qaraxan in uu jiro, sidoo kalena uu ku dhintay Hal Qof, dhaawacyo kalena ay jiraan, hadana ay socdaan baaritaanada dhabta ah ee la xiriira Qaraxan.

Waxay kaloo inoo sheegeen saraakiisha ninka ku dhintay Qaraxan in maanta uu ka yimid degmada Qoryooley, welina dhankooda aysan ogeyn Qaraxan inuu ahaa Bambo gacmeed la soo tuuray, iyo Qarax Guriga lagu diyaarinayay.

Shacabka degmada Kaaraan ayaa caawa aad u hadal haya dhacdadan, iyada oo dadkii ku waxyeeloobay Qaraxan goobta laga soo qaaday.