Wararka Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ay ka heleyso Magaala xeebeedka hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay Haweeney ku dishay seygeeda.
Falka dilka ah oo dhacay duhurnimadii Maanta ayaa waxaa la sheegay in Haweeneyda iyo Seeygeedda uu khilaaf la xirira arrimo qoys soo kala dhex-galay,hayeeshee ay ku dishay qori uu lahaa.
Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Hobyo ayaa risaala u xaqiijiyay dilka Ninkaasi oo Magaciisa lagu sheegay Cali Geeri kana tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21aad ee ka howlgasha deegaannada Galmudug.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Haweeneyda dilka geystay ay goobta ka baxsatay,hayeeshee Ciidamada Booliska ee ka howlgalla Magalada Hobyo ay ku raadjoogaan.
Dhacdadaan dilka ah oo ka duwan kuwa horay uga dhici jiray deegaannada gobolka mudug ayaa aad looga naxay, iyada oo Maanta siweyn looga hadal haayo deegaannada Maamulka Galmudug.



