Axmed Karaash oo gaaray dalka Turkiga

Madaxweyne ku xigeenka  Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo isu jira Wasiiro, Xildhibaano, Ganacsato iyo Masuuliyiin kale ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Wadanka Turkiga, halkaas oo ay kaga qayb gelayaan Shirka Maalgashiga Turkiga ee Afrika.

Wefdiga Madaxweyne Ku-xigeenka  Puntland waxaa Ankara kusoo dhoweeyey, Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Turkiga Jaamac Cabdullaahi Caydiid, Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Puntland Cadixamiid Sheekh Cabdisalaan, Taliyaha Ciidamada Asluubta Puntland Cali Nuur, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha, Faderaalka & Dimuquraadiyadda Puntland Maxamed Axmed Kunle, Guddoomiye Ku-xigeenka Bangiga Puntland Maxamed Siciid Hoggaamo laroor iyo xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada dowladda Puntland iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Turkiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Safiirka, masuuliyiinta iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi uga mahadceliyey soo dhowaynta ballaaran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, Madaxweyne Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxaa uu kulamo muhiim ah la qaadandoonaa masuuliyiinta dalkaasi iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Turkiga.