Kooxda Real Madrid oo gaartay guul lama filaan ah

Dhibaatada Real Madrid ayaa u muuqata mid lagu xaliyay waqtigii ugu yaraa ka dib markii ay 2-0 ku garaaceen xalay kooxda Osasuna iyada oo ay ka maqanayeen xitaa Eden Hazard iyo Gareth Bale.

Hazard iyo Bale ayaa ka mid ahaa ciyaartoy dhowr ah oo uu nasasiiyay tababare Zinedine Zidane, iyadoo Real ay wajaheyso 7 kulan 21 maalmood gudahooda

kulanka soo aadan sabtida waxay la ciyaarayaan kooxda ay isku magaalada yihiin ee Atletico Madrid.

Vinicius Junior, oo u adkaystay dhawr bilood oo adag oo uu iska waayay dooqa kowaad ayaa buuxiyay xalay fursad helay isagoo gool u dhaliyay kooxdiisa

Sanadkii hore 19-jirkaan wuxuu ka dhax qarxay Real Madrid, laakiin dhaawac ayaa dib u dhigay qaab ciyaareedkisii soo jidashada lahaa, taasoo keentay inuu waayo line-upka koowaad.

Vinicius iyo Rodrygo ayaa xalay guusha ku hogaamiyay kooxda Real Madrid oo boska sare ka fariisatay La Liga.

“Waan ku faraxsanahay iyaga,” ayuu yiri Zidane. “Mararka qaar waxaan ilaawaa inay yihiin 18 iyo 19 sano jir). Waxaan aragnay dareenkooda gooldhalin ee Bernabeu.

Waan jeclaaday goolka Rodrygo, laakiin waxaan jeclaaday sidookale xakamaynta badan ee kubadaha iyo sida uu ugu kalsoon yahay naftiisa.