Warar Risaala ay heleyso ayaa tibaaxaya in dabley hubeysan caawa gudaha Degmada Xamar Weyne ku dileen Gudoomiye waaxeed iyo ruux shacab ahaa.
Dableydaan ayaa dilay gudoomiyaha waaxda Horseed ee degmada Xamar Weyne oo lagu magacaabi jiray Xaaji Iikar, waxa ay sidoo kale ay dileen Maxamed Muxudiin Buuwe oo kamid ahaa dhalinyarada degmadaasi.
Kooxda dilka geysatay ayaa durbadiiba isaga baxsaday halka ay dilka ka geysteen.
Xaafada Koodka ee degmada Xamar Weyne oo ah halka uu dilka ka dhacay ayaa waxaa gaaray laamaha ammaanka oo halkaasi ka bilaabay howlgal lagu baadi goobayo dableyda dilka geysatay.


