Xildhibaan Jeesoow:” Mashaariic waan ansixinaa laakiin meel laga fuliyo maanan arag”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo kamid ah xildibaanada golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta kullanka baarlamaanka bil ka dib ay yeesheen ka sheegay in mashaariic ay ansixiyaan balse aysan arag halka laga fuliyo mashaariicdaasi.

Xildhibaan Jeesoow ayaa sheegay in wasaarada maaliyada looga baahanyahay in ay soo gudbiyaan mashaariicda ay qabanayaan oo faah faahsan iyo halka ay ka fuliyanayaan si ay u fududaato in lagula xisaabtamo howshooda.

Waxa uu ku nuux nuuxsaday xildhibaanka in uusan arag weli mashaariic xitaa hal ceel lagu qoday balse marwaliba xildhibaanada golahu ay ansixiyaan miisaaniyada mashaariic aan la cayumin sida uu sheegay.

“Ma aragno halka laga fuliyo mashaariicda aan ansixino taasi micnaheedu waxaa waaye in ay tahay meesha kaliya ee wax laga musuq maasuqo maadama weli aanan arag halka laga fuliyo mashaariicda aan ansixino” ayuu sheegay xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow.

Waxa kale oo uu sheegay Xildhibaan Jeesoow in dowladda hada jirta aysan weli wax shaqaalo ah qoran, taasina ay ceyb ku tahay dowladda sida uu sheegay xildhibaanka.