Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Galmudug oo ku laabtay Cadaado

Cadaado-RisaalaFM- Yaxye Sheekh Cali Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa maanta dig ugu laabtay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug, halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Cadaado ayaa waxa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Dowlad goboleedka Galmudug.

“Hadii mar arrimaha Dastuuriga faragelin lagu sameeyo Maxkamaddu ka laaban meyso, go’aan ayay qaadaneysaa, cidii arrintaas ku cadaatana waxaan u aqoonsan doonaa dambiile, talaabo ayaana laga qaadi doonaa, hala ogaado midnimada iyo wadajirka Galmudug waa muqadas.” Ayuu yiri Yaxye Sheekh Cali.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug Yaxye Sheekh Cali ayaa sheegay in loo yeerayo cidkasta oo ku xad gudubta Dastuurka Galmudug, si loola xisaabtamo, wuxuuna Hay’adaha garsoorka ugu baaqay in ay howshooda qabsadaan.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa 29-kii September amar ku bixiyay in dib loo howlgeliyo Maxkamadda sare ee maamulkaasi.

Xaaf ayaa ujeedka hada loo howlgelinayo Maxkamadda ku sheegay in ay tahay si ay u gudato waajibkeeda Dastuuriga, oo aanay cidna uga heybeysan shaqooyinka horyaalla, xaaladaha lagu jirana aanay indhaha ka laaban.