Guddoomiyaha G/Banaadir oo ka hadlay sababihii loo xiray wadooyinka Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow) ayaa caawa ka hadlay wadooyinka Muqdisho ee maalmihii la soo dhaafay xirnaa.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa xasilinta ayaa Afartii maalmood ee la soo dhaafay xiray qaar ka tirsan wadooyinka Muqdisho gaar ahaan Isgoysyo ku yaalla wadada Wadnaha oo ay ka mid yihiin Tarbuunka, Sheekh Cali Suufi, Xareryalle iyo kuwa kale.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay shacabka in ay ka raaligelinayaan xirnaanshaha wadooyinka, wuxuuna tilmaamay sababta loo xiray wadooyinka in ay aheyd in ammaanka la xaqiijiyo, si looga hortago arbushaad dhacdo.

Wuxuu sheegay inta wadooyinka ay xirnaayeen in Hay’adaha ammaanka ay ka hortageen qaraxyo la damacsanaa in shacabka lagu waxyeeleeyo, wuxuuna shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada ammaanka.

“Ujeedada ugu weyn ee wadooyinka loo xiray waxa ay aheyd in ammaanka la xaqiijiyo, inta wadooyinka ay xirnaayeen shacabka waxa ay dareemeen ciriiri balse waan ka raali gelinaynaa, Hay’adaha amniga waxay inoo sheegeen qataraha jiray awgeed in ay ku qasbanaayeen in ay wadooyinka xiraan, shacabka waxaan ugu baaqeynaa in ay Ciidamada la shaqeeyaan.” Ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Ciidamada Ammaanka ayaa si weyn u adkeeyay Amniga Magaalada Muqdisho ka dib markii ay qaraxyo iyo Weerro toos ah ay ku qaadeen ururka Al-Shabaab xarumo ku yaalla Muqdisho.

Xirnaanshaha joogtada ee isgoysyada Magaalada Muqdisho ayaa Magaalada laba dhinac u kala qaybisay sidda ay sheegeen darawalada Gaadiidka dadweynaha iyo sidoo kale dadka Shacabka.