Hirshabeelle oo Hub ay ka soo badbaadisay Shabaab ku wareejisay AMISOM (SAWIRRO)

Jowhar-RisaalaFM- Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku wareejiyay hub ay ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle ka soo badbaadiyeen weerar Jimcihii aynu ka soo gudubnay Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo saad u sidey ciidamada AMISOM duleedka magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Munaasabad lagu qabtay maanta Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle ayuu Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare u mahadceliyay qaar kamid ah ciidamada dowlad goboleedka Hirshabelle oo gurmad u fidiyay ciidamo ka tirsan AMISOM oo jimcihii aynu ka soo gudubnay lagu weeraray duleedka degmada Balcad.

Munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha ciidamada booliska Hirshabeelle Kornel Xasan Dhicisow waxaana uu sheegay in gurmad ay sameeyeen ciidamada booliska iyo kuwa Miltarigaba ay ka soo qabteen Al-Shabaab.

“Waxaan ugu tagnay iyadoo ciidamadii Al-shabaab ay joogaan goobtii dagaalku ka dhacay, waxaan ka soo badbaadinay qaar ka mid ah qoryihii ku xirnaa hubka ay AMISOM wateen, ciidamo go’odoomay”. Ayuu yiri Taliye Xasan Dhicisow.

Saraakiil ka socotay ciidamada AMISOM ayaa lagu wareejiyay labo qori oo noocoodu yahay Dhashiike oo laga soo furay gaadiid tikniko ah oo lagu gubay duleedka Balcad, waxaana ay saraakiisha ciidamada AMISOM u mahadceliyeen ciidamada dowlad goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaan halkan aan u joogaa in aan dib ula wareegno hub lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen walaalaheena.” ayuu yiri sarkaalka u sareeya ciidamada AMISOM ee ka howlgala dowlad goboleedka Hirshabelle.

“Tan waxa ay cadeyn u tahay in aan iskaashanayno oo aan si wadajir ah oo walaatinimo leh aad inoola shaqeyneysaan.” Ayuu sii raaciyay sarkaalkan.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Dowladda Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidamada gurmadka fidiyay ay ahaayeen kuwo muujiyay geesinimo isla markaana maamulka uu abaalmarinayo.