Golaha Wasiirada Jubbaland oo qodobo dhowr ah ka hadlay “Sawiro”

Kismaayo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir Gudoomiyay kulankii Gollaha Wasiirada ee Khamiis laha ahaa oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimadka ayaa soo gudbiyay Warbixino la xiriira dhismaha laamaha Wasaaradaha iyadoo si gaar ah Wasaarada Waxbarashadu usoo bandhigay dhibaato ka jirta dhulkii ay ku yaaleen iskuuladii Dowlada oo Ardayda lacago lagaga qaado taas oo Wasaaradu ay sheegtay in ay wax ka qabanayaan kuna dadaalayaan sidii Iskuulada Dowlada lacag la’aan looga dhigi lahaa iyadoo Wasaaradu ay iskuuladaas la wareegayso.

Wasaarada Caafimadka ayaa iyana soo jeedisay in la abuuro hanan wadashaqayneed oo dhex mara Wasaarada iyo Ururada maxaliga ah ee dhinaca Caafimadka ee Jubbaland ka hawlgala waxaana ay Wasaaradu xustay in aysan hada wada shaqayntaas jirin.

Wasaaradaha amaanka iyo Arimaha Gudaha ayaa dhankooda warbixin dheer ka bixiyay xaaladaha Nabadgalyada iyo Maamul Wanaaga ee Deegaanada Jubbaland waxaana Wasaarada amaanku ay shaacisay in Magaalada xarunta ah ee Kismaayo ay Hay’adaha amaanku kusoo dabaaleen nabadgalyo buuxda oo ay suurta galisay wada shaqaynta Hay’adaha amaanka iyo Bulshada.

Dhinaca kale Wasaarada Amnigu waxay soo bandhigtay qorshaha dib u xoraynta Gobolada Jubbaland gaar ahaan Gobolka Jubada Dhexe oo ay wasaaradu xustay in marka ay dhamaato Bisha Ramadaan la qaadayo gulufkii ugu danbeeyay ee Al.shabaab lagaga xoraynayo Gobolka.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa Shirka ka jeediyay qudbad uu kaga hadlay arimo kala duwan si gaar ah wuxuu u xusay in Masuuliyiinta Dowlada iyo Shaqaalahaba ay ka dheeradaan muranada dhulka gaar ahaan goobaha Waxbarashada isagoo xusay in Dowladu arintaas ay mowqif adag ka qaadanayso.

Dhinaca kale wuxuu cadeeyay in la bilaabi doono wacyi galin la xiriirta sidii dadka looga dhaadhicin lahaa dhibaatada kooxaha Nabad diidka ah waxaana uu xusay in Dowladu arintaas ay xooga saarayso.
Kis 1 kis 2] kis 3 kis 4