Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degaanno ka mid ah gobolka Mudug.
Dagaalkaan ayaa xooggiisa waxa uu ka dhacay degaanada Gacma Falle iyo Godad oo dhinaca waqooyi bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo.
Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkani ku dhaawacmay 4 qof oo ka mid ah dhinacyadii halkaasi ku dagaallamayey sida Risaala u xaqiijiyeen dad goobta lagu dagaallammay ka dhow.
Dhinacyadan dagaallamaya ayaa la sheegay in murankooda uu ka billowday is qabqabsi dhul daaqsin ku yaalla halkaasi.
Illaa iyo haatan ma jirto cid kala dhex gashay maleeshiyadan dagaallameysa, mana jirto wax hadal ah oo dagaalkaasi ay kasoo saareen maamullada Galmudug iyo Puntland.



