Faahfaahin dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino kala duwan ayaa ka soo baxaysa  dilal xalay ilaa iyo saakay loo geystay haween kunool caasimada Muqdsiho.

 

Dabley u hubeysan ayaa saakay labo gabdhood walaal ah ku weeraray degmada Dharkiinley gobolka Banaadir,  mid ka mid ah gabdhaha ayaa geeriyootay hal midakalana ay dhaawacantahay.

 

Gabdhaahaas ayaa lagu magacaabi jiray  Fowsiyo Jamaal Xasan oo aheyd hooyo haysta 3 caruur ah ayaa geeriyootay halka  shankaroon Jamaal Xasan uu soo gaaray dhaawac, iyo sidoo kale wadihii waday mootada ay saarnaayeen.

 

Dhanka kale Koox hubeysan   ayaa Xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay  Haweeney 80 Sano jir ah oo lagu Magacaabi jiray Cibaado Cabdi Maxamed,waxaana ay ka mid aheyd  Ururka Haweenka Waaxda October ee Degmadaasi.