DHAGEYSO: Xaalada magaalada Marko manta dagan.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya degmada Marko ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in xalada degmo ay dagantahay saakay.

Xaafado dhowr ah ayaa la sheegayaa in uu dagaalka sameyn ku yeeshay,kuwaa oo ay ka mid yihiin Buulo Jaan,Buufoow iyo Ayuub oo Magaalada Marka ka wada tirsan, waxaana la sheegay in xalaada ay saaka dagantahay xaafadahaas.

 

Dhaq dhaqaaqa Ganacsiga ayaa la sheegayaa in uu hakad ku jiro iyada oo Dadku ay ku jiraan Guryaha,islamarkaana aysan u suuragalin in ay ka barakacaan Xaafadaha lagu dagaallamay .

Gudoomiyaha Degmada Maxamed Yariisow ayaa Warbaahinta Risaala kala hadlay