Shirkii looga hadlayey Dhaqaalaha caalamka ayaa lagu afjaray magaalda Washiton DC ee dalka maraykanka.
waxaana shirkaas Soomaaliya uga qeybgalaayey Wafdi balaaran oo hogaaminaayay wasiirka Maaliyada dowladda Soomaaliya Maxamed Aaden Ibraahim Fargeeti.
kulanka ayaa inta badan waxaa diirada lagu soo saaray arimaha dhaqaalaha caalamka waxaana si gaara loogu faaqidad arimaha Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya oo hadal ka jeediayay shirkasi ayaa si weyn uga hadlay horumarka dalka Soomalaiya ka jira dhinacyada siyaasadda dib u dhiska iyo horumarka dowladnimo iyo kan maamulka malaiyadeed.



