DHAGEYSO: Cali Gaab”gacanta ayaan ku heynaa kooxii dilka ka geystay Muqdisho”

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxii ka dambeeyay haween xalay ilaa saakay lagu dilay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Cali gaab ayaa sheegay in ciidamada booliiska ay gacanta kusoo dhigi doonaan cid kaste oo dhibaato ka geysta muqdisho.

Gabdhaahaas ayaa lagu magacaabi jiray  Fowsiyo Jamaal Xasan oo aheyd hooyo haysta 3 caruur ah ayaa geeriyootay halka  shankaroon Jamaal Xasan uu soo gaaray dhaawac, iyo sidoo kale wadihii waday mootada ay saarnaayeen.

Dhanka kale Koox hubeysan   ayaa Xalay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ku dilay  Haweeney 80 Sano jir ah oo lagu Magacaabi jiray Cibaado Cabdi Maxamed,waxaana ay ka mid aheyd  Ururka Haweenka Waaxda October ee Degmadaasi.