Faah faahin: Sarkaal caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya koox hubeysan oo caawa xaafada Siliga ee degmada Wadajir ku dishay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka.

Dilkan oo ay fuliyeen dhalinyaro ku hubeysnaa bastoolado ayaa la sheegay in sarkaalka ay ka toogteen qeybaha sare ee jirkiisa, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dadka degaanka ayaa Idaacadda Risaala u sheegay sarkaalka la dilay in lagu magacaabi jiray Maxamed Cali Mursal (Maxamed Yare).

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa caawa halkaasi waxa ay ka wadaan howlgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilkan.

Ururka Al-shabaab ayaa war ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan waxa ay ku sheegteen masuuliyada dilkan.