Sh/Dhexe-RisaalaFM- Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo watay Gaari Cabdi Bile ah ayaa waxaa Qarax lagula eegtay duleedka Koofureed ee degmada Balcad Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Qaraxa kadib ayaa waxaa uu dagaal kooban dhexmaray Ciidamadii ka badbaaday Miinada iyo koox la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Inta la ogyahay Qaraxan ayaa waxaa ku dhimatay laba Askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro kale.
Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in weerarkan uu jiro, balse ay dib warbaahinta ka siin doonaan faah faahinta dhameystiran.


