Beledweyne-RisaalaFM- Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsaday Gaari xamuul ah oo Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.
Dadka Deegaanka ayaa Risaala u sheegay in Qaraxa uu ahaa mid xoogan lagana maqlay xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Qaraxan ayaa geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadkii dhaawacmay loola cararay Isbitaalada ku yaalla Magaalada Beledweyne.
Maamulka Gobolka Hiiraan ayaanan ilaa iyo hada faah faahin ka bixin weerarka ku bilowday Qaraxa, ee lagu qaaday saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin halkaasi.
War Shabaab ay ku soo qoreen Baraha ay ku faafiyaan wararkooda ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay sheegeen in ay ku dileen 17 Askari oo ka tirsan Ciidanka Jabuuti.
Ciidanka Amaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.


