Bari-RisaalaFM- Waxaa faah faahin dheeraad ah ay ka soo baxeysaa qarax lala beegsaday ciidamada Puntland xili ay howlgallo ka sameynayeen Buuraleyda Galgala, waxaana la xaqiijiyey in ay dhaawacmeen qaar kamid ah ciidamada maamulka Puntland.
Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ay ciidamadu ku jireen howlgallo Al-shabaab looga saarayo Buuraha Galgala.
Saraakiisha ayaa xaqiijiyey dhaawaca 3 askari oo kamid ah ciidamada, ka dib markii qaraxa uu qabsadey mid kamid ah gaadiidka ciidamada Puntland.
Goob joogayaal madax banaan ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxan iyo rasaas ku xigtay oo ay ciidamadu ridayeen, iyadoo aagaas oo dhan ay hadda howlgallo ka wadaan ciidamada Puntland.
Puntland ayaa sheegtay in ay howlgallo gaar ah oo maalmihii ugu dambeeyey ka wadey Buuraleyda Galgala, kuwaas oo looga hortagayo Al-shabaabka weerarada ka geysta deegaanada Puntland.
Todobaadkii hore ayey ahayd markii ciidamada Puntland lala beegsaday qarax, kaas oo geystay dhimashada 2 kamid ah ciidamada Puntland.


