Muqdisho-RisaalaFM- Iyadoo dadka reer Muqdisho in muddo ah ay ka cabanayeen qiimaha Korontada oo sareeya, ayaa Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta Xukuumadda Soomaaliya, maanta waxa ay booqatay Xarunta Shirkada BECO oo ah Shirkad bixisa Adeeg Koronto.
Sahro C/qaadir Wasiiru dowlaha Wasaarada Tamarta iyo Kheyraatka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in isbedel lagu sameeyo Qiimaha Korontada.
Waxa ay sheegtay shacabka Soomaaliyed in ay haystaan Duruufo kala duwan oo la xiriira dhanka nolosha, sidaasi awgeedna ay adag tahay in dadka ay bixiyaan Qiimaha Korontada.
Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa in ay tahay dalalka aduunka kuwooda ugu sareeya Qiimaha Korontada, taasi oo keenaysa bulshada wax aysan awoodin in ay dusha saartaan.
Shirkadaha Korontada oo ah kuwa gaar loo leeyahay, ayaa qiimaha ay doonaan hadba ka dhiga adeega Koronto ee ay siiyaan Bulshada, iyadoo aysan jirin dowlad tayo sare leh oo la xisaabtanta Shirkadaha cadaadiska saaraya Bulshada.


