Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dowlada federaalka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay laba gaari oo midkood uu ku xiran yahay waxyaabaha qarxa, kuwaasi oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla Iskooska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in la doonaya gaariga in lagu qarxiyo mid ka mid ah maqaayadaha ku yaalla magaalada Muqdisho, halka midka kalena ay saarnaayeen rag doonayay inay weerar geestaan marka uu qaraxa dhaco ka dib.
Ciidanka miino baarista ee NISA oo ku guda jira inay qaraxa ka furaan gaariga ayaa intii ay ku howlanaayeen howsha ayaa gaariga si kedis ah ku qarxay
Qaraxa ka dib waxaa dhaawac soo gaaray qaar ka tirsan ciidanka NISA ee ku howlanaa fur furida miinada iyo sidoo kale dad shacab ah oo ka ag dhawaa goobta uu gaariga ku qarxay.
Saraakiil ka tirsan ciidanka Nabadsugidda ayaa sheegay in labadan gaari ay ka war heleen xogtooda, saacadona ay ku daba jireen.


