Ciidamada NISA ayaa qabtay Labo Gaari oo mid ka mid ah qarax uu ku xiranyahay, waxaana la sheegay in lala damacsanaa in lagu weeraro mid ka mid ah Maqaayadaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka NISA ayaa labadaan gaari ka hortagay ka dib baaritaano ay sameeyeen.
Labadaan gaari ayaa la sheegay in la doonayay mid ka mid ah in lagu qarxiyo maqaayad ku taala Soobe, halka midka kalana ay saarnaayeen kooxo sida la sheegay doonayay inay weerar geestaan marka uu qaraxa dhaco ka dib.
Ciidanka NISA ayaa haatan gacanta ku haya labada Gaari iyo labo ka mid ah kooxihii watay gawaarida.
Ciidamada dowladda ayaa waxa ay halkaasi ka wadaan baaritaano dheeraad ah, kuwaas oo lagu sugayo amniga.


