DHAGEYSO: Faah faahin laga helayo kooxihii dilka ka geystay Boon-dheere

Waxaa warar dheeraad ah ay ka soo baxayaan weerar maanta ay kooxo hubeysan ku qaadeen gaariga gudoomiyaha degmada Boon-dheere ee gobolka Bnaadir.

Waxaana la sheegay in kooxda weerarka geysatay ay gaariga gudooomiyaha Boon-dheere ku horjareen kadibna ay rasaas ku fureen gaariga.

Waxaana ku geeryootey labo qof oo midka mid ah uu yahay dareewalkii gudoomiyaha iyo askari ilaalo u ahaa gudoomiyaha.

Warar kaloo madax banaan oo ay Idaacadda Risaala heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday, halka labo kalana ay ka baxsadeen goobta.

Gaarigii ay wateen kooxihii weerarka geystay ayaa waxa ay ka baxsadeen goobtii uu dilka ka dhacay, inkastoo markii dambe gaariga uu ku qarxay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay sida ay halkaasi wax uga dhaceen, isagoona sheegay gaariga qarxay in ay ku dhimatay qof Dumar ah.

Maalmihii udambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay dilal qorsheysan kuwaas oo lala beegsanayay mas’uuliyiinta dowladda iyo dadkale oo shacab ah.