Faah faahin laga helayo dagaalkii ka dhacay duleedka Gaalkacyo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta halaasi ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Galmudug iyo Maleeshiyaad isbaaro dhiganayay duleedka Gaalkacyo.

Waxaana dagaalkaasi ku dhimatay 2 qof halka 5 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay qaadeen ciidamada maamulka Galmudug oo maalmihii udambeeyay howlgallo ka waday duleedka magaalada Gaalkacyo.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidanka nabad sugidda Galmudug ay isku dayeen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyinka yaalla deegaanka Ceel-aqwaan oo 10 KM u jirta magaalada Gaalkacyo.

Ilaa iyo hada kama aysan hadlin maamulka Galmudug dagaalka maanta duleedka magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray maleeshiyaad isbaaro dhiganayay iyo ciidamada maamulka Galmudug.