Al-shabaab “Hub iyo Gaadiid dagaal ayaan ka qabsanay dowladda”+Sawiro

Ururka Al- Shabaab ayaa warbaahintooda ku qoray sawiro iyo gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan deegaanka Ruunirgood oo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Deegaanka Runirgood ayaa dhowaan waxaa ku dagaalamay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ururka Al-shabaab.

Al- Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa sawirada ay soo bandhigeen waxaa ka muuqday Hub, Gaadiid dagaal iyo agabyo kale oo ciidan.

 

1 2 3 4 5 6 7 8 9