Caabud-waaq-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabud-waaq ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi lagu dilay 4 ruux oo shacab ah.
Dadka goob joogayaal ah ayaa inoo sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad si weyn looga garanayay deegaanka.
Waxaa la sheegay in dilka loo geystay 4-ta qof uu geystay nin hubeysan iyadoo uu isaga baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.
Ilaa iyo hada lama oga sababta loo dilay dadkan, waxaana goobta dadka lagu dilay gaaray ciidamada dowladda oo halkaasi baaritaano ka wada.
Magaalada Caabud-waaq ayaa caawa jawigeeda waxa uu yahay mid kacsan oo dadka halkaasi degan ay dareemayaan cabsi fara badan.
Maamulka Caabud-waaq ayaa waxa ay sheegeen in ay in ay ku raadjoogaan ninka ka dambeeyay dilka loo geystay 4-ta qof.


