Ciidamada dowladda oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay Aadan-yabaal

Aadan-yabaal-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen deegaanada hoostaga degmada Aadan-yabaal.

Saraakiisha hogaamineysa howlgalkan oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay soo qab qabteen rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Gudoomiyaha degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamuud Sheekh Xasan  oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada iyo tuulooyinka degmada Aadan-yabaal.

Gudoomiye Maxamuud Sheekh Xasan ayaa intaas ku daray in ciidamada dowladda ay soo qab qabteen  rag Al-shabaab ka tirsan oo hadafkooduna ahaa in ay weeraro ka geystaan degmada Aadan-yabaal.

Dhowaan ayay aheyd markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay Al-shabaab kala wareegeen degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.