England Iyo Italy Oo Isku Garab Dhacay

Xulka Brazil ayaa aargudasho gaabis ah ku sameeyay dhigiisa Germany kulan xiiso badan oo ay labada xul wada ciyaareen maadaama ay guul ku gaareen kaliya gool uu dhaliyay da’yarka Manchester City Gabriel Jesus.

Ciyaarta waxey aheyd mid xiiso badan oo aad loogu riyaaqo, Brazil ayaa qeybta hore aheyd mid aad u fir-fircoon oo dhan walba ka maamuleysay ciyaarta, waxaana goolka uu ahaamid aad looga soo shaqeeyay, wuxuuna ahaa madax xoog badan oo uu tuuray Jesus, taasna waxey keentay in Trapp uu awoodi waayo inuu badbaadiyo.

Jarmalka qeybtii labaad ee ciyaarta waxey mar kale noqdeen dhibanayaal maadaama Brazil ay qaab awood badan lasoo laabteen, balse 25-kii daqiiqo ee ugu dambeeyay ayey si fiican u maamuleen ciyaarta walow aysan helin wax gool ah oo jawaab u noqda goolka Gabriel Jesus.

Julian Draxler ayaa isku daygii ugu weynaa sameeyay dhamaadki ciyaarta, balse kubadii uu goolka aadiyay waxaa ka beeniyay Allison Becker.

Dhanka kale qaranka Talyaaniga ayaa helay fursad ay gool barbaro ah uga dhaliyaan dhigooda Ingiriiska kulan xiiso badan oo ka dhacay garoonka Wembley Stadium, labada xul ayaana soo bandhigay qaab ciyaareed aad loo jecleysto.

Kulanka wuxuu qeybta hore ku dhamaaday Ingiriiska oo 1-0 ku hogaaminaya Jamie Vardy ayaana si awood leh u dhameystiray baas xatooyo ah oo uu ka helay Jesse Lingard, balse Lorenzo Insigne ayaa dhaliyay gool ku laad lagu ogaaday VAR.

Ciyaarta waxey ku dhamaatay 1-1.