El-ClasicoL: Bale oo guul ka hor istaagay Barcelona

kooxda Barcelona oo ah ku guuleystayaasha horyaalka xilli ciyaareydkan horyaalka La Liga kuwaasoo guud ahaan ay ku guukeysteen 25-aad horyaal ee horyaalka La Liga.

Real oo fadhisa kama dambeyska tartanka horyaalada qaarada yurub ee champions league ayaa caawa wajahaysa kooxda Barcelona kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

El Clasico caawa waxa u ku bilaawday weerar iyi weerar celis ka dib kooxda Barcelona ayaa hogaanka ciyaarta qabatay ka dib Suarez gool uu kaga naxsaday jamaahiirta kooxda Real Madrid.

si kastaba boqorka reer Portugal ahna hogaamiyaha dhabta ah ee kooxda Real C.Ronaldo ayaa durba ciyaarta ka dhigay 1-1 kaasoo niyad dhis ay u noqotay taageeraayasha kooxda Madrid.

waxaa uu dhaliyay goolkiisa 449-aad ee xirfadiia kooxda Madrid xilli Messi uu dhaliyey 550 goal xirfadiisa kooxda Barcelona, markii lisku daro labada dhinacbo waxaa ay dahliyeen 999-goal xirfadooda kooxeed.

sidoo kale Ronaldo waxa uu soo bar bareeyay Alfredo Di Stefano kaasoo ugu sareeyya gool dhalinta guud ee kulanta El Clasico.

ka hor qeybta hore ee ciyaarta inta aan la kala marin Sergio Roberto ayaa ciyaarta laga saaray kaasoo qalad ku galay ciyaarayahnada kooxda Madrid oo werar xooga kusoo qaaday sidaasina ayaa lagu kala maray qeybtii hore ee ciyaarta.

markii dib lisugu soo laabtay Messi ayaa goolka labaad ee kooxda Barcelona u ansaxixiyay kaasoo ay kaga dhigantahay goolkiisa 18-aad ee la liga kulanka el clasico inuu dhaliyey, todobadii lasoo dhaafay meel ka baxsan Camp Nou ayu kuso dhaliyey, waana goolkiigsa ugu horeeyay ee horyaalka u Camp nou ku dhaliyo tan iyo October 2012-ka.

sidoo kale messi waxa uu noqday xiddiga ugu goolasha badan horyaalka La Liga kulanka El Clasico kaasoo todobo gool dhaliyey.

Bale ayaa ciyaarta ka dhigay 2-2 kaasoo si waangsan u taabsiiyay shabaqa, waxaan ay ka dhigantahay Madrid in ay dhaliay 500-goal kulanka El Clasico, si la mid ah wuxu dhaliyey gooliisa ugu horeeyay ee La Liga sided kulan u ciyaaray.

si kastaba ciyaarta ayaa kuso idlaatay 2-2 oo ay labda dhinacbo ay isku dhaafi waayeen.