Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal lagu qabtay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in howlgal ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ay Gacanta ku dhigeen Sarkaal Al-Shabaab u qaabilsanaa Howlgalinta Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Howlgal Qorsheysan ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ka fuliyeen degaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, waxaana saraakiisha hoggaamineysay ay sheegeen in lagu qabtay Cali Maxamed Aadan oo Magaca Afgarashadiisa tahay  Seed Xaaris.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay weli howlgallada ka wadaan degaano u dhow degaanka Janaale, isla markaana ay ku raad joogaan saraakiil iyo Xubno kale oo ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa inta badan howlgallo ka fuliya degaannada Shabeellaha Hoose, hayeeshee Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin Ninkaan ay dowladda Soomaaliya soo bandhigtay oo ay sheegteen in uu ahaa Madaxda howlgelinta Al-Shabaab ee Gobolka Shabeellaha Hoose.