Dowladda oo faahfaahisay Howlgal ka dhacay degmada Jilib

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyay gudaha degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe sidda ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar  Al-shabaab ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Jilib ee  Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliye Bogmadow waxaa uu sheegay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac Al-shabaab lagu gaarsiiyay weerarka Howlgalka.

Hawlgalkaasi ayuu sheegay in lagu dilay ku dhawaad 30 askari oo Shabaab ka tirsan iyo afar Saraakiil oo Ajaanib ah oo ku sugnaa Xerada weerarka uu ka dhacay.

Ma jirto ilo wareedyo ka madax banaan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee Jubbooyinka oo xaqiijinaya in weerarkaan lagu dilay tirada intaasi la eeg ee Shabaab iyo Saraakiisha ajaanibta ah.